3500 askari oo ka tirsan ATMIS oo lagu dilay Soomaaliya

Apr. 12 (Jowhar.com)-Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada hawlgalka ATMIS uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay muddada ka badan 16-ka sano ee ay joogeen Soomaaliya.

Waraysi uu siiyey VOA ayuu ku sheegay in kudhowaad 10 kun oo askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weeraro kala duwan oo ka dhacay Soomaaliya, Uganda iyo Burundi ayuu sheegay iney yihiin dalalka ugu badan ee waxueelada soo gaartay.

Waxa uu xaqiijiyey in ugu yaraan 3,500 oo askar ah oo tiradaas ka mid ah ay dhinteen, 4,000 oo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Madaxa ATMIS ahna wakiilka midowga Afrika ee dalkan Souef ayaa sheegay in ciidankan ay Soomaaliya u yimaadeen sabab wanaagsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More