Askar ka tirsanayd ciidamada AMISOM oo dil iyo xabsi dheer lagu xukumay maanta

Maxkamada ciidamada Uganda ayaa ku xukuntay dil iyo xabsi dheer ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilka dad rayid ah oo Soomaali ah.

Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ciidan ah.

Ciidamadan ayaa deegaanka Golweyn bartamihii bishii Augost ee sanadkan waxa ay ku dileen illaa siddeed ruux oo rayid ah kuwaasoo ay ku sheegeen inay ahaayeen Alshabaab.

Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay.

Saraakiishii hoggaaminaysay askartan dilka geysatay ayaa lagu xukumay dil halka askari meydka dadka rayidka ah miino ku qarxiyayna iyo labadii askari oo rasaasta ku furtay lagu xukumay 39 sano ah oo xabsi ah.

Ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu badan oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay ka howlgalaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More