Guddiga Xalinta khilaafaadka oo muddo kordhin u sameeyay ku dhawaaqista natiijada 2 kursi

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa muddo todobaad dheeraad ah ku darsaday baaritaanka iyo go’aan ka gaarida kiiska cabashada ah ee laga soo gudbiyay labada kursi ee doorashadooda cabashada laga gudbiyay sida kursiga HOP067 iyo Kursiga HOP103.

Guddiga xalinta khilaafaadka oo todobaadkii hore hakiyay shaacinta natiijada rasmiga ah ee labadaas kursi ayaa waxaa heysta imtixaankii ugu dambeeyay ee jiritaankooda iyo kalsoonida lagu qabi karo mustaqbalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More