51 Askari oo lagu dilay weerar ka dhacay Burkina Faso

Feb. 22 (Jowhar.com)-Dowladda Waddanka Burkina Faso ayaa xaqiijisay in 51 ka mid ah Askarteeda ku dhinteen weerarro jidgal ah oo ka dhacay Waqooyiga Waddankaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in sidoo kale la dilay 60 ka mid ah kooxaha argagixisada ah ee ka dambeeyay weerarka lagu laayay askarta.

Sidoo kale Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in weerarkaas ay geysteen kooxo Islaamiyiin ah oo ka dagaallama Waddanka Burkina Faso qeybtiisa waqooyi halkaas oo saldhig u ah Kooxaha Jihaad doonka ah.

Dhawaan Burkina Faso waxaa ay dalkeeda ka ceyrisay Ciidamadii Faransiiska ee garabsiinayay dagaalka Daacish iyo AlQaacidda kaddib markii ay ku eedeysay hagar daamo.

Waxaa ay la xiratay Ruushka kaas oo $100Milyan oo doolar oo taageero Milatari ah siiyay una ballanqaaday qalabeynta Ciidamadeeda iyo in uu ka caawinayo kooxaha jihaadiyiinta ah ee ka dagaallamaya dalkaasi dhinaciisa waqooyi.

Ibrahim Traoré; Madaxweynaha Afgambiga ku qabsaday dalkaas ayaa ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu gacanta dowladda ugu celinayo 25% dhulka waddankaas oo gacanta ugu jira kooxaha dagaallamaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More