60 qof oo lagu toogtay weerar ka dhacay dalka Burkina Faso.

Oct. 25 (Jowhar.com) -Ciidamada dalka Burkina Faso ayaa sheegay in ugu yaraan 10 askari ay dhinteen halka dhaawacmeen ku dhowaad 50 askari oo kale, ka dib markii weerar lagu qaaday magaalada Djibo ee ku taalla dhinaca woqooyi ee dalkaas.

Ciidamada ayaa sheegay in “weerar argagixiso” in lagu qaaday saldhigga guutada 14aad ee ku yaalla Djibo. Magaalada ayaa muddo saddex bilood ah ay go’doomin ku hayeen kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalkaas ka dagaalama.

“Khasaaraha hordhaca ahi waa 10 askari oo ku dhimatay dagaalka iyo ku dhowaad 50 askari oo dhaawac ah oo la daawaynayo” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed la soo saaray.

Ciidamada ayaa sheegay inay kooxda weerarka soo qaaday inay ka dileen ilaa 18 qof intii lagu gudo jiray hawlgal ugaadhsi ah oo ay ciidamadu sameeyeen kaas oo illaa haatan socda.

Masuuliyiinta ciidamada ayaa dalbaday taageero dhinaca hawada ah oo ay dawladdu u fidiso.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in kooxda weerarka ku qaaday saldhigu, inay subaxdii hore ay madaafiic ku garaaceen xerada iyo weliba goobo kale oo istaraateji ah oo magaalada ku yaalla.

Shacabka ku nool magaalada Djibo oo gaadhaya illaa 30,000 ayaa go’doon ku jiray muddo saddex bilood ah iyada oo kooxaha jihaad doonka ahi ay qarxiyeen buundooyinkii, isla markaana ay xidheen waddooyinkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More