Afar kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay Muqdisho

Afar kamid ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada waqooyi ee loo yaqaan ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

Kursiga koowaad ee Maanta ee Hop254 ayaa waxaa ku guuleystay Jaamac Maxamed Askar oo Afartii sano ee la soo dhaafay katirsanaa Golaha Shacabka kadib markii uu u tanaasulay Aadan Axmednuur.

Kursiga labaad ee HOP255 oo uu ku fadhiyay Axmed Maxamuud Maxamed ayaa waxaa ku tartamay Guuleed Biixi Cabdi , Axmed Maxamuud Maxamed iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen, waxaana kursiga ku guuleystay Guuleed Biixi Cabdi.

Guuleed Biixi Cabdi ayaa helay 58 cod, halka uu Axmed Maxamuud Muxumed oo kursigaan horay ugu fadhiyay ka helay 22 cod waxaa ugu dambeyntii helay 21 cod Cabdillaahi Biixi Xuseen.

Kursiga Saddexaad ee HOP262 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday markalena Maanta loo doortay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana ay ka guuleysatay ka dib markii ay tartanka ka hartay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd.

Ugu dambeyntii waxaa ku guuleystey kursiga afaraad Cabdilaahi Cismaan Ducaale ka dib markii ay tartanka ka hartay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More