Dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Turkiga oo weeraray shaqaalaha Turkish Airline

Ciidamada Booliska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qabqabtay illaa 24 dhalinyara ah oo laga soo tarxiilay dalka Turkiga kuwaasoo weeraray shaqaale ka tirsan shirkada diyaaradaha Turkish Airlines.

Dhalinyaran ayaa weerar ku qaaday shaqaalaha diyaaradda Turkish, Waxaana ay dhaawaceen madaxii shaqaalaha Turkiga isagoo la dhigey Isbitaal.

Falkan ayaa sababay in dib u dhac uu ku yimid duulimaadkii saaka lagu waday in dad rakaab ah ka qaado magaalada Muqdisho diyaarada Turkish Airlines.

Wararka ayaa sheegaya dhalinyaradan qaarkood uu ka dhacay sharciga halka qaarkoodna lagu eedeeyay in ay dadka tahriibiyaan.

Dowlada Tukriga ayaa dhawaan ku qabqabatay qaar kamid ah magaalooyinka dalkaas Soomaali sharci darro ku joogay dalkaas.

Soomaali badan ayaa haatan ku xiran xabsiyada dalka Turkiga iyagoo sugaya in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More