Afar Madaxweyne Maamul Goboleed oo caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho

April 19 (Jowhar.com) -Madaxweynayaasha Maamulada Puntland,Galmudug iyo Koofurgalbeed ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho iyadoo horey u sii joogay Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxda maamul goboleedyada maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa soo gabgabeeyay doorashada labada gole ee lagu soo dooranayay maamul goboleedyadooda halka Madaxweynaha Hirshabelle iyo Jubbaland aysan soo dhamaan doorashada kuraasta golaha shacabka.

Ujeedada imaanshaha madaxdan ee caasimada dalka ayaan ahayn kulamadii ay yeelan jireen Madasha golaha wadatashiga qaran balse waxaa ay wararku sheegayaan in ay doonayaan inay goobjoog ka noqdaan doorashada guddoonka labada aqal.

Hase yeeshee madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa hore u sheegay inuu yahay musharax madaxweyne waxaana la aaminsan yahay inuu ka bilaabayo caasimada dalka ololaha doorashada musharaxnimo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa weli ku sugan magaalada Kismaayo iyadoo weli aan la soo dhameystirin kuraasta deegaan doorashadoodu ay ahayd Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More