Musharaxiin qaadatay Shahaadada Doorashada Guddoonka Labada Aqal

April 19 (Jowhar.com) -Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Maxamed Cali Cumar (Caana Nuug).

Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sharaxan xilka guddoomiyaha golaha shacabka halka Maxamed Cali Cumar uu u sharaxan yahay xilka Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha shacabka.

Sidoo kale, Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa shahaadada Murashaxnimo guddoonsiiyay Senator, Ilyaas Baddel Gabboose oo u taagan xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka sare.

Guddiyada labada Aqal ee BFS ayaa weli wada diiwaan gelinta iyo Shahaado siinta xubnaha u tartamaya hoggaanka labada Aqal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More