Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay dalka Sudan

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalada Omdurman kadib wararka la xiriiriyay in dalkaas uu ka dhacay afgembi dhicisoobay.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay taangiyada dagaalka iyo ciidamo ku sugan waddooyinka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay dhaceen isku dayo la doonayay in lagula wareego raadiyaha dowladda ee ku yaalla Omdurman.

Warbaahinta dowladda ayaa ku eedeysay afgembiga dhicisoobay inay ka dambeeyeen koox daacad u ah madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, afhayeenka milateriga Maxamed Al Faki Suleymaan ayaa sheegay in su’aalaha dadka la tuhunsan yahay dhowaan la bilaabi doono.

Laba sano ka hor, Madaxweyne Cumar al-Bashiir, oo ahaa taliyihii muddada dheer ee dalka, ayaa la afgambiyay. Heshiis awood qaybsi ayaa markaas lagu dhisay dawlad ay ku lug leeyihiin milatariga, wakiilada rayidka ah iyo kooxaha mudaaharaadka.

Dawladda ku -meel -gaarka ah ee Suudaan ayaa lagu cadaadinayaa in ay samayso dib -u -habayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyada oo ay jiraan dalabyo iska soo horjeeda oo ka imanaya deegaannada muxaafidka iyo kuwa xorta ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More