Maraykanka oo ku baaqay in si deg-deg ah loo xaliyo khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay xalliyaan khilaafka haatan ka dhex taagan si loo ilaaliyo xasiloonida dalka.

Mareykanka wuxuu sidoo kale sheegay in wadashaqeynta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay tahay arrin muhiim ah ‘ dardangelinta dhameytirska hanaanka doorashada dalka’

“Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay ka fogadaan qoraallada iyo ficilada xaaladda sii kicinaya si ay u xalliyaan khilaafka ka dhashay magacaabista saraakiisha dowladda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.

Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu awoodda Ra’iisul Wasaaraha laalay, taas oo Rooble uu diiday.

Khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay kadib in muddo ah la la’aa. Shabaabka ayaa haseeyeeshee beeniyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More