Agaasimaha NISA oo aqalka sare ku amaanay ansixinta shrciga la dagaalanka argagixisada

Agaasimaha NISA oo aqalka sare ku amaanay ansixinta shrciga la dagaalanka argagixisada

Mar. 14 (Jowhar.com)-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maabta ansixiyay Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada, waxaana wadar ogol ku meelmariyay sharcigan 29 Senator oo maanta kulanka soo xaadiray.

Dhinaca kalena, Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa soo dhaweeyay talaabada ay Aqalka sare ku meel mariyaan sharcigan oo sida uu sheegay muhiimad gaara u leh la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale amaanay golaha wasiirada iyo golaha shacabka oo markiisii hore sharcigan uu ka soo gudbay inta uusan u tagin golaha Aqalka sare ee dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u saxiixo sharcigan, isagoo noqonaya sharcigii labaad oo muhiim ah oo kasoo gudba laba aqal ee baarlamaanka mudada yar uu xafiiska joogo Agaasimaha NISA Mahad Salaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More