Agaasimaha Sirdoonka Turkiga oo Muqdisho booqasho ku yimid

April 30(Jowhar.com)-Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibrahim Kalin ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho,waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Agaasimaha Sirdoonka Turkiga, saraakiil katirsan ciidanka NISA iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Safarkiisa ayaa wuxuu daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Argagixisada, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u taageerta Soomaaliya, waxa ayna si gaar uga taageerta la-dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, tababarada iyo qalabeynta ciidanka , waxa ay sidoo kale labada dhinac leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More