Taliye Shub oo digniin culus u diray wasiirka Cadaalada Soomaaliya

April 30(Jowhar.com)-Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jen, Mahad Cabdiraxmaan Aden (Jen, Shub) ayaa uga digay wasaaradda Cadaaladda ee XFS falalkeeda uu sheegay in ay doonayso in lagu burburiyo ciidamada Asluubta, lays kagana horkeenayo nidaamka dawliga ah.

Jen, Shub ayaa sheegay in warkiisa gaaban yahay oo hordhac yahay, loona baahan yahay in aan lagu kalifin in uu wax badan sheego, wuxuu sheegay in shirka 3-da maalin kasocda Muqdisho ee looga hadlayo Arrimaha ciidanka Asluubta uusan sharci aheyn, oo aysan dhammaan Taliska waxba ka ogeyn.

Taliye Shub ayaa yiri “Wasarada Cadaalada waan idin ogolnahay in wixii aan keenay aad isku sawirtaan balse hana gaarsiinina isku sawiri maysaan in aan idin dhahno”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More