Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo ku dhintey qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriira qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana qaraxa ku dhintey weriye Cabdicasiis  Afrika oo ahaa agaasimihii Radio Muqdisho waxaana ku dhawacmay agasimihii taleefishinka qaranka.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen agaasimayaasha taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, iyo darawlka gaariga.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin waxa uu ka dhashay qaraxa waxaana jira in dad kale ay waxyeele ka soo gaartay qaraxa.

Alaha u naxariistee Cabdicasiis Afrika ayaa hore ugu dhaawacmay meel an ka fogeyn goobta uu caawa ku geeriyooday waxana uu dawo u aaday dalka dibadiisa isagoo dib ugu soo laabtay dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More