Agro Bank iyo Shirkadda Rikaab oo kala saxiixday mashruuc shaqo abuur loogu sameynayo dhalinyaro

Mashruuc shaqo abuur loogu samaynayo dhallinyarada ku nool muqdisho ayaa maanta waxaa munaasabad ay kula kala saxiixdeen Agro Bank iyo shirkadda Rikaab lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan oo ahaa mashruuc shaqo abuur ah oo aan wax dul saar ah laheyn ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Axmed Cabdi xaliim oo ka socday Agro Bank iyo Maxmed Cabdullaahi Maxamuud oo ka socda shirkada Rikaab.

Saxiixa kaddib masuuliyiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in mashruucan maalgalinta ah u furan tahay bulshada Soomaaliyeed cid kastana ay Ka faa’iideysta karto.

Yaasiin Maxamuud Cibaar oo ka socda Ururka Bangiyada Soomaliyeed ayaa u mahadceliyay Agro Bank iyo Shirkadda Rikaab heshiiskaan shaqo abuurka ah, Dhanka kale waxa uu baaq u diray Bangiyada Dalka si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada waxbaratay ee shaqo la’aanta ah.

Heshiiskaan labada dhinac ah oo ay kala saxiixdeen Agro Baank iyo shirkada Rikaab ayaa wajigiisa koowaad waxaa lagu maalgelinayaa Konton Mooto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More