Ajaanib ka tirsan Daacish oo lagu qabtay howlgal ka dhacay gobolka Bari.

June 24 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo saaka ciidamada PSF ee maamulka Puntland ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan buura leyda gobolka Bari.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah looga sameeyay dhulka Buuraleyda ah ee Timiro oo katirsan Gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugnaayeen koox ka tirsan Daacishta Soomaaliya, iyadoo qorshaha uu ahaa in gacanta lagu soo dhigo todobo xubnood oo bartilmaameed ahaa.

Sida wararku sheegayaan, Ciidanadda PSF ayaa ku guuleystay iney gacanta ku soo dhigaan saddex qof oo Oromo ah, kuwaasoo ka barbar dagaalamayay kooxda Daacish, iyadoo maalmihii la soo dhaafay si dhaw loola socdy dhaq dhaqaaqooda.

PSF waxay sheegtay in Saddexda ragga ah oo marloodii hore tabriib ahaan ku tagay Noosaaso at baaris dheer oo lagu sameeyay kadib ay qirteen kamid ahaanshaha Kooxda Daacish una gudbin jireen Sahayda iyo Agabka kale oo ay u baahan yihiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More