Akhriso; Heshiiska ay gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa ka gaaray heshiis khilaafkii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ay kala hogaaminayeen.

Qoraal ay si wadajir ah u gaareen labada dhinac ayaa waxa ay ku sheegeen in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay gudiga doorashada gobolada Waqooyi.

Labada garab ayaa sidoo kale waxa ay ku heshiiyeen in si deg-deg ah loo bilaabo dorashada Aqalka Sare.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More