Ciidamada Itoobiya oo ka baxaya saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo iyo Bay

Taliska AMISOM qeybta 3aad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in maalmahan soo socdo ay ka bixi doonaan saldhigyada ciidan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ee Gobolada Gedo iyo Baay.

Qoraal loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay Ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3, iyadoo ciidamada ka baxa Buurdhuubo iyo Qansax Dheere lagu xoojin doono saldhigyada ciidanka ee Garbahaarey iyo Bardaale

Sidoo kale Taliska Ciidanka xoogga dalka ee SNA ayaa lagu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 September.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More