Akoonnada rasmiga ah ee looga qeyb qaadanayo Gurmadka Abaarah oo la soo bandhigay.

June 29 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa shaaciyay akoonnada rasmiga ah ee looga qeyb qaadanayo Gurmadka Abaaraha.

Ergaya iyo Guddiga ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay warbixin ku saabsan halka ay marayaan xaaladdaha abaarta ka jirta dalka, taasoo ah middii ugu darneyn ee waddanka ka dhacda ku dhawaad muddo afartan sano ah.

Ergeyga oo Madaxweynaha JFS ka wakiil ah iyo Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in la joogo xilligii aan si kala har lahayn shacab iyo madax looga qeyb qaadan lahaa gurmadka abaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More