Al-Shabaab oo boqolkiiba 60 kamida maamusha gobolka Mandhera ee dalka Kenya

July. 22 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba 60 kamida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Maxamed ayaa sheegay in joogitaanka dagaalyahanada ay saameyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolka.

Waxa uu ka hadlay kulan looga hadlayay amniga oo lagu doonayay sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darro ee Al-Shabaab ka wadaan gobolka Waqooyi Bari oo ay madaxdu ku baaqeen in loo istaago sidii looga hortagi lahaa.

Shirka amniga ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobollada iyo guddiga sirdoonka ee gobolka oo ka kala socday afar gobol oo dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha deegaanada ay saameeyeen weerarada Al-shabaab ayaa ka wada hadlay weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab.

Hoggaanka maamul goboleedyada Mandhera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa sheegay in kulanka ka sokow laga soo saaray go’aamo ku saabsan sida looga hortagi karo Al-Shabaab, ay ku baaqeen in bulshada laga wacyigeliyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha taageera kooxdan.

Guddoomiye Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan awoodin inuu u qabto adeegyada bulshada, sababo la xiriira Al-Shabaab oo ku sugan gobolka. Hogaamiyayaasha ayaa ku baaqay in la taageero dowladda si loola dagaallamo kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More