Heshiis Xabad Joojin ah oo la kala dhex dhigey beelo ku dagaalantay Shabelaha Dhexe

July. 22 (Jowhar.com)-Heshiis xabad joojin ah ayaa lagu guuleystey in la kala dhex dhigo labo beel oo walaalo ah oo maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda ay u dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Maamulka Hirshabelle iyo Duubabka Dhaqanka ayaa ku guuleystey inay heshiis xabad joojin ah ay gaareen beelaha Maxamed Muuse iyo Cabdalle Caroone oo maalmihii la soo dhaafay maleeshiyo ka soo kala jeeda ay u dagaalamayeen deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe.

Mas’uuliyiintan bilowday dhexdhexaadinta labada beel ayaa booqday degmada Cadale,Raagge Ceelle iyo Deegaanka Xaaji Cali iyagoo la kulmay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka waxayna kala hadleen sidii loo joojin lahaa colaada.

Khilaafka u dhexeeya labada beelood ayaa salka u haya aargoosi iyo aano qabiil waxaana uu sababay dhimasho,dhaawac iyo barakac.
Waxaana soo noqnoqday khilaafka u dhexeeya labadan beel iyadoo hore heshiis loogaga gaaray dagaalo hore u dhex maray maleeshiyo ka soo kala jeeda labada beel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More