Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah ciyaal weerada Muqdisho

Feb. 24 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa iclaamisay iney magaalada Muqdisho ka fulineyso howlgal ka dhan ah kooxda loo yaqaano “Ciyaal Weero” oo bilihii la soo dhaafay dhibaato ba’an ku hayay shacabka ku nool caasimadda.

Afhayeenka Milatariga ee kooxdaasi C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in hadii Ciyaal Weerada Muqdisho aysan joojin dhibaatooyinka ay geysanayaan ay la kulmi doonaan cawaaqib xun oo koxdaasi uga imanaya.

Waxa uu sidoo kale digniin u diray dhalinyarada caadeysatay isticmaalka daroogada, kadibna dhibaatooyinka dilka, dhaawaca iyo dhaca kula dhaqaaqa dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha magaaladan.

“Ciidanka Mujaahidiinta ee Muqdisho ka howlgala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka xummaantaas ku lug leh, cid walba oo arrimahaas gurrucan ku leh waxaan leenahay 1-waan kaa war haynaa 2-waan kugusoo soconnaa 3-waxaan kuugu baaqeynaa in aad ka towbadkeentaan xumaanta aad faraha kula jirtaan inta aanan kusoo gaarin” ayuu yiri Abuu Muscab.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul dareysatay dagaal mudo kudhow sanad socday oo ka dhan ahaa burcada Ciyaal Weerada, lama oga waxa uu falalkii amni daro ee kooxdaasi geysan jirtay uu ka bedeli doono hanjabaada kooxda Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More