Al Shabaab oo saaka nabadoon ka kaxestey degmada Raagge Ceelle

Ururka Al-shabaab ayaa saaka gudaha u galay degmada Raage Ceelle ee gobolka Sh/dhexe iyagoo ka kaxeystey nabadoonka degmada Axmed Jilcane.

Wararka waxa ay sheegayan in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay galeen guriga uu ka degenaa magaalada Raagge Ceelle iyagoo gubay labo baabuur oo uu lahaa nabadoonka kadibna hore u kaxeystey Axmed Jilcane.

Degmada Raaga-ceelle ayaa waxaa ku sugan ciidamo Milatari ah iyo kuwo ka socda ciidamo ka socda AMISOM,hase yeeshee qaar ka mid ah ciidamada milatarigii ku sugnaa degmadaas ayaa waxaa ay soo galeen caasimada dalka iyagoo ka mid ah oo kamid ah ciidamada kasoo horjeeda muddo kordhintii Farmaajo uu samaystay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Raage Ceelle iyo kan gobolka Sh/dhexe oo ku saabsan afduubka lagula kacay nabadoonka degmadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More