Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Sh.dhexe

Sep 07 (Jowhar.com)-Faah faahino dheerada ah ayaa laga helayaa weerar culus oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Sh.dhexe, halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu socdo dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo mararka qaarna la maqlayo qaraxyo cul culus.

Xaalada ayaa ah mid si aad ah u kacsan, ciidamadda xoogga dalka iyo Macwuusleey ayaa iska cabin xooggan kala hortagay kooxdan, wallow dagaalka wali uu socdo, iyadoo labada dhinac ay gurmadyo kala duwan helayaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili shalay gobolka Sh.dhexe gaar ahaa degmada Aadan Yabaal uu dagay madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inuu dhiig cusub ku shubo duulaanka gobolkaasi looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay sidaan oo kale kooxda u weerartay deegaanka Daarunicma oo hoosta degmada Ruun-Nirgood, kaas oo ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaasi, kadib gurmad ay heleen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More