Wararkii ugu danbeeyay wadahadalka ay Doxa ku yeesheen Xamze iyo Farmaajo

Sep 07 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu booqasho ugu tegay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, Xamze iyo Farmaajo “ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

“Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.”

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray 31-kii August ku baaqay in la taageero dagaalka ay ciidamada qaranka kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

“Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Al-Shabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed,” ayuu yiri Farmaajo.

“Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More