Alshabaab oo gubay gaari dameero u sidey cunto magaalada Waajid

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa ay gubeen oo ay dab qabadsiiyeen gaari Dameero raashin u waday, kuna sii jeeday magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer iyo raashinkii saarnaa ay gubeen,sidoo kalana ay toogasho ku dileen dameeradii xoogaga Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa ka baxsaday dadkii waday gaari dameerada oo marayay deegaanka Ceel-Boon ee gobolka Bakool.

Ma ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana muddo siddeed sano ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay degmada Waajid iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More