Alshabaab oo isaga baxay degmada Matabaan

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa isaga baxay degmada Matabaan kadib markii muddo kooban toban sano kadib ay ka talinayeen.

Ciidamo ka tagay degmada Guriceel ayaa gaaray magaalada Matabaan kadib markii ay ka baxeen maleeshiyaadka Alshabaab.

Kahor inta aysan ka bixin magaalada ayay ku xireen qaraxyo saldhigga degmada Matabaan.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo wata dhowr baabuur ay maanta magaalada waxa ay kasoo galeen dhinaca galbeedka, kadibna calankooda ayay ka taageen bartamaha magaalada.

Kahor inta aysan soo gelin magaalada Guriceel ayay maleeshiyaadka Alshabaab shalay la wareegeen tuulooyinka ku dhow dhow magaalada sida deegaanka Bacda oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada Matabaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More