Alshabaab oo ku diley gudaha dalka Kenya shan ruux gubayna tuulooyin

June. 25 (Jowhar.com)-Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in shan qof ayaa la diley kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen laba tuulo oo ka tirsan degmada Lamu ee Koonfur Bari Kenya.

Booliska ayaa sheegay in koox weerar ah ay weerareen tuulooyinka Salama iyo Juxudi subaxnimadii hore ee Axadda.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale gubay guryo iyo hanti faro badan.

Booliisku waxay dhacdada ku tilmaameen Weerar Argagixiso oo ah ereyo ay caadiyan u adeegsadaan weerarada kooxda Al-Shabaab.

Lamu ayaa ku dhow xuduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana inta badan ay dagaalyahannada AlShabaab weeraro ka geystaan ​​degaankaasi, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu cadaadinayo Kenya in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, halkaasoo ay qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah ee difaacaya dowladda dhexe.

Afar ka mid ah daka la diley ayaa la gowracay halka mid kalana la toogtay sida laga soo xigtey dad ka badbaaday weerarkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More