Maxkamada Gobolka Banaadir oo la horgeeyay Rag loo haysto Musuqmaasuq

June. 25 (Jowhar.com)-Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo saddex masuul oo kale kuwaasoo loo haysto kiis Musuq maasuq ah oo ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ayaa lagu sheegay in eedeysayaasha maxkamada la horgeeyay ay Maxkamada gobolka Banaadir amartay in xabsiga lagu hayo illaa baaritaanka kiiskooda la dhamaystirayo.

 

Dhinaca Kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa shaaciyay in la soo qabtay ganacsade  aan magaciisa la sheegin kaasoo dalka soo geliyay shaqaale ajaanib ah kulana kacay tacadiyo kala duwan.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More