Alshabaab oo ku gubay dalka Kenya gaadiid ay leedahay shirkad Shiinees ah

Ugu yaraan 8 gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku gubtay kadib markii rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob baabuurta la dhigto oo ay leedahay Shirkadda Dhismaha ee Shiinaha wadada Baragoni – Bodhei ee gobolka Lamu dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in kooxdan ay rasaas ku fureen goobta aroortii hore ee saaka kadibna dab qabadsiiyeen gawaarida xamuulka qaada.

Gaadiidka xamuulka qaada ayaa ka mid ah kuwa dhisaya wadada isku xirta Lamu Port-Koonfurta Sudan-Itoobiya.

Barnaamijka Waddada LAPSSET waa mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha ugu weyn uguna hamiga badan ee isku keena Kenya, Ethiopia iyo South Sudan

Kooxda burcada ah ee weerarka ka dambeeyay ayaa baxsaday wax yar kadib markii la sheegay in falkaasi dhacay.

Dhacdadan ayaa timid maalin kadib markii laamaha amaanka ee ka howlgala deegaankaasi ay sheegeen in heegan buuxa la galiyay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan Lamu ay beegsanayaan Dekada iyo wadada Lapset.

Tani waxa ay tilmaamtay in laamaha ammaanku ay hayeen xog sirdoon oo kooxda burcadda ah ay qorsheynayeen in ay weeraraan xarumaha balse aysan garanayn halka ay ku sugan yihiin.

Shirkadda Shiineeska ah ayaa dhisaysa wadada isku xiri doonta Garissa, Isiolo kadibna u gudbi doonta Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.

Saraakiisha booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay goobta geeyeen ciidamo badan si ay u baacsadaan kooxaha burcada ah ee ka howlgala keymaha weyn ee Boni iyaga oo weeraraya gaadiidka dowladda.

Madaxa amniga ee Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha, wuxuuna sheegay in ay ku raad joogaan kooxda burcadda ah.

Deegaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya oo ay dhowr jeer oo hore weerarro ku qaadeen kooxo argagaxiso ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More