CCW:Waa khiyaano qaran in wiilal Soomaaliyeed laga dhigay xaabo

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay ay daabacayeen wargeysyada caalamka oo ku saabsan ciidamada Somaaliyeed ee tababarka loo geeyay dalka Eritrea inay xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku bilaabay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur;

“Waxaa soo baxaya warbixinno ay daabaceen wargeyso caalami ah oo si faahfaahsan u soo bandhigay in dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea loo qafaalay ay ka qaybgaleen dagaalka ka socda Gobolka Tigreega.Waa danbi laga galay waaliddiintii la khiyaanay ee loo sheegay in ubadkooda dalka Qatar loo qaadayo. Waa khiyaano qaran in wiilal Soomaaliyeed laga dhigay xaabo loogu guro dab dagaal oo dal kale ka socda. Waa danbi ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee danbiyada dagaalka. Waa in la soo badbaadiyaa inta ka hartay wiilashaas, loona celiyaa ehelkoodii, loona adeegsan dagaal danbe oo bannaanka ama gudaha ahba.”

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne ayaa hore dhowr jeer uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea oo mudadii loogu talagalay tababarkooda xilli hore uu soo idlaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More