AMISOM oo maxkamad soo taagaysa askar dad rayid ah ku dishay Golweyn

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa sheegay in la maxkamadeynayo Ciidanka Uganda ee dadka rayidka ah ku dilay Deegaanka Golweyn Gobolka Shabeelaha Hoose 10-ka August 2021.

Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in askarta falka geysatay lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Soomaaliya caddalaadana la marin doono.

AMISOM ayaa waxa kale oo ay qoralka ku sheegtay in Guddi ay u xilsaartay kiiskaan uu soo gunaanaday baaristooda ayna ku ogaadeen in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamada Uganda.

HALKAN HOOSE KA AQRISO QORAALKA KA SOO BAXAY AMISOM;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More