Khilaaf soo kala dhex galay Wasaarada Isboortiga iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa soo saartay war-saxaafadeed kaga soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed, waxaana ay magacawday guddi ka soo tala bixiya doorashada ay qabsadeen Guddiga, taasi oo ay Wasaaraddu ku sheegtay inay baalmarsantahay sharciga u degsan dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

Sida aan wada ogsoonnahay dalka waxaa ka jira dowlad nidaam dastuuri ah oo ku salaysan sharci kala dambeyn, dowladduna waxa ay u igmatay arrimaha isboortiga iyo dhallinyaradda (Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga) oo ka mas’uul ah jaangooynta horumarinta siyaasadda isboortiga dalka guud ahaan, gaar ahaan horumarinta arrimaha garoomada, tartamada, tababarada iyo la shaqeeynta Wasaaradaha Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Hadaba, annagoo ogsoon in uu dhammaday mudo xileedkii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed lagama maarmaanna ay tahay in la qabto doorasho loo siman yahay oo ay kawada qayb geli karaan dhammaan bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxa ay qoraal u qortay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2dii bishii October ee sanadkan ujeedadiisuna ahayd soo gudbinta xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada Isboortiga ayadoo ay la socoto xeer hoosaadyadooda si ay Wasaaraddu ugu diyaariso guddigii qaban laha doorashooyinkaas .

Nasiib darro, waxaa na soo gaaray in ay dhacday doorashadii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed taariikhdu marka ay ahayd 20ka October 2021, ayagoo iska indha tiray qoraalkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga.

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga waxa ay si buuxda u cadaynaysaa:

  1. Inay Wasaaraddu goob joog ka ahayn doorashadii dhacday iyo in aysan aqoonsanayn wixii ka soo baxay.
  2. Waxa ay Wasaaradu ugu baaqaysaa xiriiradda kale inay ka foojignaadaan doorasho ay iskood u qabsadaan.
  3. Guddiga Olombikada Adduunkana waxaan ku wargelinaynaa inaysan Wasaaraddu la socon doorashaadaas.
  4. Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga waxay magacaawday guddi ka soo tala bixiya doorashada ay qabsadeen Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More