Amniga Muqdisho oo faraha kasii baxaya, xili kudhowaad 15 qof lagu dilay caasimadda

Feb. 28 (Jowhar.com)-Amniga magaalada caasimadd ah ee Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya, iyadoo joogta ay ka noqdeen dilalka ka dhaca magaaladan.

Wax ka yar 24 saac, xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay dad badan oo isugu jira askar iyo shacab, iyadoo dowladda ilaa iyo haatan aysan qaadin talaabo ay uga falcelineyso habacsanaantaasi amni.

Dhacdadii ugu argagaxa badneyd waxa ay xlay ka dhacday Isgoyska Siinaay, hlkaasoo ay ku wada dagaalameen ciidan uu watay gudopmiyaha degmada Yaaqshid Suleymaan Fargax iyo ciidan Nabad Sugida ka tirsan oo bar kontrol halkaasi kulahaa.

Goobta waxaa ku geriyooday kudhowaad 10 ruux oo shacab u badnaa, waxaana khasaaraha ugu badan ka dhashay qoriga Sabanka ama Baasuukaha oo uu askari riday, taasoo shacab 6 ruux gaarayay ay ku geeriyoodeen, waxaana dagaalkaasi ku naf waayay 3 askari oo laba NISA ahaa.

Rag hubeysan ayaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan shalay galab ku dishay saddex askari oo dhar cadda NISA ka tirsan, kuwaasoo toogashada kadib goobta isaga baxsatay, Shabaab ma sheegan dilkaasi waxaana soo baxaya tuhun ah in ciidan kale oo dowladeed ay falkaasi ka danbeeyaan.

Ciidamadda dharcadka ee degmada Waaberi ayaa iyaguna qof shacab ah oo ay ka shakiyeen shalay ku dilay degmadaasi, iyadoo dilkaasi warbaahinta aysan si weyn uga hadal.

Duhurnimadii maanta, askari boolis ah ayaa degmada Wadajir ku dilay wiil wade ka ahaa Mooto Bajaaj, iyadoo wadayaasha Moota Bajaajta ay mudo kooban hakiyeen wadada xiriirisa Banaadir ilaa Soobe, waxeyna dalbanayeen in cadaalad uu helo marxuumka la dilay.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda ku eedeynaya iney ka gaabiyeen iney la xisaabtamaan cida leh mas’uuliyada dayaca amni ee magaaladan ka jira, waxaana laga dalbanayaa iney tilaabo deg deg ah qaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More