Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedyo Muhiim ah

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedyo Muhiim ah

Mar. 15 (Jowhar.com)-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

Kulankan oo ahaa kalfadhiga labaad kulankiisa 25-aad iyo 26-aad ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

Akhrinta Sedexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliyeed iyo Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

Ugu horrayn waxaa la gudagalay ansixinta sharciga Dhowrista Xogta kadib markii gudddigii ka soo shaqeeyay ay Sanatarrada la wadaageen xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyay 30 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin.

Intaas kadib waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Socdaalka Soomaaliyeed iyo sharciga horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

Waxaana dood iyo falanqayn kadib la isla qaatay in labadaas sharci oo muhiim gaar ah leh isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada. Waxaana ogolaaday meel marinta labadaas sharci 31 Sanatar hal Sanatar ayaa ka aamusay wax diidayna ma jirin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More