Soomaaliya iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu tayaynayo Ciidamada Qaranka

Soomaaliya iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu tayaynayo Ciidamada Qaranka

Mar. 15 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry Andre.

Ayaa kala saxiixday heshiis lagu tayaynayo ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Kumaandooska Danab.

Wasiirka Difaaca ayaa xusay in heshiiskan uu yahay mid lagu xoojinayo tababarada iyo Qalabeynta ciidamada xoogga ee Kumaandooska Danab, isla markaana lagu qalabeynayo, si ay uga jawaabaan qataraha ka imaanaya khawaarijta iyo in la dhiso awoodda ciidamada kumaandooska ee Danab.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More