Askar ilaalineysay bas rakaab siday oo lagu qarxiyay magaalada Mandheera

Jun. 21 (Jowhar.com)-Ammaanka qaar ka mid ah deegaannada ismaamulka Mandheera ayaa la sheegayaa in laadkeeyay ka dib markii gaari ay boolisku leeyihiin Miino kula kacday meel u dhaw deeegaanka Baanisa.

Madaxa dhanka ammaanka ee deegaannadaasi Amos Mariba ayaa sheegay in gaari ilaalo u ahaa Bas sidey rakaab miino lagula eegtay meel u dhaw degaanka Baanisa.

Waxaa uu intaa ku daray in ilaa 3 qof oo labo ka mid ah ay askar yihiin ay weerarkaasi ku dhinteen.

Amos Mariba ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan howlgallo dhanka ammaanka ah, isagoo ugu baaqay shacabka deegaannada xuduudda in sugidda amniga ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More