Isimada Puntland oo kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay Garoowe, xabad joojinna kala dhex dhigay

Jun. 21 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in saaka ay dagan tahay Xaaladda guud ee caasimadda Puntland ee Garoowe ka dib dagaalkii shalay ee  dhimashada iyo dhaawaca sababay.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan mucaaradka ayaa saaka la kala geeyey xeryahooda sida ay xaqiijiyeen isimmada dhaqanka Nugaal oo xalay dhex dhigey xabbad-joojin.

Isimmada guud ee Puntland ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda soo gaadhaan Garoowe, kol kaas oo la bilaabi doono wada-hadallo dhexmaraya dowladda iyo mucaaridka – iskuhaya furista dastuurka iyo doorashooyinka 2024.

Waxaa dib u bilowday isku socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo weli ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro dhinacyada dirirsan.

Dagaalkii shalay oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Garoowe tan iyo dhismihii Puntland waxaa ku naf waayay dad gaaraya 30 ruux oo isgu jira shacab iyo askarta dagaalameysay, halka dhaawacyadana uu intaasi kasii badan yahay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More