Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo wiil Dhakhtar ahaa ku dilay magaalada Muqdisho

June 13 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil duhurnimadii maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqsisho.

Dilka waxaa la sheegay inuu fuliyay askari ka tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya, kaasoo fadhiyay bar kontrol oo lagu hubiyo gaadiidka oo ku taala Shaleemo Nasri oo u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka la dilay oo ahaa wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabo Anas Yuusuf Maxamed, kaasoo ahaa dhakhtar ka shaaeeya xarun caafinmaad oo lagu magacaabo Xanaano, kuna taala isgoyska KM4 ee isla degmada Hodan.

Ehelada marxuumka oo cadaalad ka dalbaday hay’adaha garsoorka dowladda ayaa sheegay in sarkaalka heysta barta kontrol uu dilka ka dhacay uu beeniyahy in dilka uu ka danbeeyay mid kamid ah askartiisa, walow dadka deegaanka ay sheegayeen in gacan ku dhiiglaha uu ka shaqeynayay goobta oo lagu hubiyo gaadiidka gudaha magaalada u soo tilaabeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More