ATMIS oo codsatay in Soomaaliya laga qaado  xanibaada hubka ee saaran

Oct 12 (Jowhar.com)- Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.

Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.

“Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah.

“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”

Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024.

Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.”

Mar la weydiiyey haddii dowladda Soomaaliya ay yareysaneyso xaddiga la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, Souef waxa uu sheegay inuu jiro “rabitaan siyaasadeed” oo ay Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ugala wareegsyo ATMIS.

“Waxa uu ugu muhiimsan waa rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri.

“Rabitaanka siyaasadeed waa jiraa, Soomaalida na ma doonayaan in waligood la caawiyo. Waxay doonayaan inay qaataan milkiyadda. Aad ayey u dadaalayaan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More