Iiraan iyo Sacuudiga oo markii ugu horeysay ka wada hadlay xiisadda Falastiiniyiinta iyo Isaa’iil

Oct 12 (Jowhar.com)- Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa uu telefoonka kula hadlay, madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi.

Warbaahinta dlalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sheegaya, in hogaamiyeyaasha labada dal ay ka wada hadleen xiisadda falastiiniyiinta iyo israa’iil.

Waa wadahadalkii ugu horeeyay ee telefoonka ku dhex maray, tan iyo markii la sii amba qaaday xiriirka diplomaasiyadeed bishii Maarso.

Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen baahida loo qabo in la soo afjaro danbiyada dagaal ee ka dhanka ah falastiin, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhaxal sugaha, wuxuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada ay sameyneyso dadaallo suurtagal ah oo ay kula xiriireyso dhammaan dhinacyada caalamka, iyo kuwa gobolka si loo joojiyo weerarada isa soo taraya ee Qaza.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 340,000 oo qof oo ku nool Qasa ay khasab ku noqotay inay guryahooda ka cararan, iyadoo dhanka kalena ay israa’iil sii waddo inay garaacdo dhulkaas.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah weerarki dhiiggu ku daatay ee xamaas ay qaadday Sabtidii.

Israa’iil iyo masarba waxay xireen meelaha laga baxo, taas oo ka dhigan in aanay baxsan karin Falastiiniyiinta Qasa.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

Mr Biden wuxuu sheegay, inuu fahamsan yahay carada dadka reer israa’iil, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More