ATMIS oo qiratay dilka C/raxmaan Faarax Fiidow.

Dec. 01 (Jowhar.com) -Taliska ciidamadda Midowga Afrika ee ku sugan dalka ee ATMIS ayaa qirtay dilka C/raxmaan Faarax Fiidow oo ahaa wiil dhalinyara ah oo ku ganacsada duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay ATMIS waxaa lagu sheegay in marxuumka uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray mid kamid ah kolonyadooda oo jiiray, xili uu isku dayayay inuu laamiga gooyo.

“Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay  uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska ATMIS.

ATMIS ayaa sheegatay iney wadaan baaritaano ku aadan kiiskan, iyagoo la kaashanaya dad dhacdadan markhaati ka ahaa iyo maamulka gobolka Sh.Hoose, waxeyna tacsi u direen qoyska wiilkan.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, waxaana tan iyo xilligaas ay sameeyeen koox baaritaanno horudhac ah oo si dhow ula shaqeeya markhaatiyaasha, dowladda iyo maamullada maxalliga ah si ay u baaraan shilkan sida weyn looga xumaado,” ayaa marlale lagu yiri qoraalka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More