ATMIS oo saldhigyadoodii Sh.dhexe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka

June. 27 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyeen saldhigyo waaweyn oo ay in mudo ah ku sugnaayeen.

Taliyaha Guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Kornayl Saneey Cabdulle ayaa ciidanka ATMIS kala wareegay difaacyadii ay ka daganaayeen Magaalooyinka Miirtaqwo, Xaaji Cali, iyo Cadale oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Munaasabada waxaa ku sugnaa saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan ATMIS iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo talaabadan lagu sheegay iney salka ku heyso qorshha ah dalka uga baxayaan 2,000 askari, waxaana meelaa ay baneeyaan dagaya ciidanka SNA.

Inkastoo howshan ay wi dar dar leh ku socoto, hadana madaxweynaha Kenya ayaa iska diiday in ciidamadiisa uu la boxo, isagoo ku adkeystay iney dalkan sii joogayaan ilaa Shabaab la waayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More