Gudoomiyaha cusub ee gobolka Gedo oo ka dagay Garbahaareey, kulamana la leh bulshada

June. 27 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha Gobalka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir ) ee uu Dhawaan magacaabay Madaxweyne Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka Degay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Maamulkaan ayaa muddo culeyso kala kulmayay siyaasiin ka soo jeedo Gobalka Gedo isla markaana wuxuuu dhowr jeer hore ku fashilmay inuu halkaas tago, laba jeer ayaa diyaarad uu watay laga celiyay xarunta gobolka Gedo.

Mr. Shimbir ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la leeyahay siyaasiyiinta, odayaasha iyo saraakiisha deegaanka, isagoo kala hadlaya sidii ay ula shaqeyn lahaayeen oo ay usoo dhaweyn lahaayeen maamulkiisa.

Majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo kasoo baxay kulamada, lamana oga waxa lagu qanciyay dadka reer Garbahaareye oo saluug hore uga muujiyay siyaasada Axmed Madoobe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More