Axmed Daaci oo ka hadlay khasaaraha dagaalkii deegaanka Hilowle-gaab.

Jan. 06 (Jowhar.com)-Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa faah faahiyay weerarkii saaka Shabaab ay ku qaadeen fariisimihii ay ciidamadda dowladda ku lahaayeen deegaanka Hilowle-gaab ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmed Daaci oo isaga maamulayay ciidamadda la weeraray ayaa sheegay in xiliga weerarka ay kala fogaayeen ciidamadda, wuxuuna carabka ku dhuftay in deegaan fog ay ka yimaadeen kooxdii weerarka soo qaaday.

“Ciidamu way kala fogaayeen oo magaaladu maba lahan meel bartilmaameed ah oo lagu dhufto, xaaladdu way degen tahay, meel fog ayay ka yimaadeen nimankaan weerarka soo qaaday.” ayuu yiri Daaci.

Waxa uu hadalkiisa intaasi kusii daray inuu jiro khasaare culus oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalantay, isagoo shaaciyay iney ku daba jiraan kooxdii weerarka soo qaaday

“Dagaal badan baa dhacay, Khawaarijtu way soo weerareen, ciidamaduna way iska caabiyeen laakiin labada dhinac dhibaatooyin baa jira waanu jebinay markii dambe” ayuu yiri

Degaanka Hilowle Gaab oo dabayaaqadii bishii hore laga qabsaday Al-shabab ayaa ku yaalla xadka goblada Shabellaha dhexe iyo Galgaduud

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More