Axmed Madoobe iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo wadahadal ku yeeshay Jabuuti

Jan. 15 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqashoku jooga dalkaasi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay tageerada dhinacyada kala duwan ah ee Dowlada Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada hormarka iyo amniga.

Axmed Madoobe ayaa Dowlada iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada tariikhiga ah ee ay ku joogaan Jabuuti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More