Axmed Madoobe iyo safiirka Midowga Yurub oo wadahadalo ku yeeeshay Nairobi

Sep 27 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

Kulanka oo arrimo dhowr ah la iskula soo qaaday waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wakiilka maamulka Jubaland ee dalka Kenya Sadiiq Cabdullahi Bogaale iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cali Cabdi Mahad.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada waxaa lagu sheegay iney ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo tageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasada iyo dib u dhiska.

Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan, isagoo taageero maaliyadeed u raadinaya maamulkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More