Taliye ka tirsan NISA oo Muqdisho lagula eegtay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac

Sep 27 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo ka dhacay qeybo kamid ah degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo noociisu ahaa Miino ayaa lala eegtay taliyaha Nabad Sugida ee degmada Deyniile oo loo yaqaano Seedi Xume, waxaana qaraxaasi uu sababay dhimashada laba qof oo mid askari NISA ah yahay, halka qofka kalena uu ahaa shacab, waxaa sidoo kale la sheegay inuu jiro dhaawacyo akle oo qaraxaasi uu sababay.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah uu watay taliyaha, xili ay wadeen isaga iyo askartiisa barista gawaarida raaxada iyo kuwa xamuulka ee mara xaafadaha degmadaasi.

Xaalada goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo dheeraad ah oo isugu jira kuwa aan muuqan ee dharcadka ah iyo kuwo hubeysan, iyagoo halkaasi ka wada howlgalo amni xaqiijin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More