Axmed Madoobe oo gudoomiyay shirka golaha wasiirada maamulka Jubaland.

July 07 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulla Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada guud ee amniga iyo howlgalo ay hay’adaha amaanku wadeen maalmahii lasoo dhaafay kuwaas oo lagu soo qabtay dhagar qabayaal katirsan argagixisada kuwaas oo waday falal lid ku ah amaanka.

Wasaarada gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada abaaraha iyo dadaalada ay Wasaarada oo kaashanaysa dhinacyada kala duwan ka wado meelaha Sida daran abaartu ay u saamaysay sidoo kale Wasaarada Caafimaafka ayaa ka warbixisay xaalada xanuunka #Covid19 oo Wali ka jirta deegaanada Jubaland isla markana uu aad u hooseeyo baraaruga bulshada.

Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixisay imtaxanaadka dugsiyada Sare ee Jubaland oo dhawaan lasoo gaba gabeeyay iyo shaqooyinka ahmiyada leh ee wasaaradu ay ku xoojinayso Waxbarashada iyo barbaarinta da’yarta Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More